Tuesday, February 18, 2025
HomeSomaliRa'iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Etirea wadajir uga degay Magaalada Jubba

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Etirea wadajir uga degay Magaalada Jubba [SAWIRRO]

-

- Advertisement -

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa socdaal wadajir ah ku tegay magaalada Jubba ee dalka South Sudan.

Safarka labada hoggaamiye ayaa ka danbeeyay markii ay magaalada Asmara wadahadal saddex Geesood ah ku yeesheen madaxda dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Kenya, waxaana warbaahinta Itoobiya ay sheegtay inay wadahadal la yeelan doonaan madaxda dalka Koonfurta Sudan.

- Advertisement -

Shirka saddex geesoodka ah ee magaalada Jubba ku dhex mari doona madaxweynaha South Sudan Silva Kiir iyo hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku saabsan xaaladda Gobolka iyo iskaashiga Dhaqaalaha.

DAAWO SAWIRADA