Saturday, March 15, 2025

Ra’iisal wasaaraha Israel: “Hal Milyan oo Yuhuud ah ayuu ku dhici doonnaa Corona Virus, haddii aan..”

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu ayaa laga soo xigtay war ka nixiyay dad badan oo Yuhuud ah, kadib markii uu sheegay in muddo bil gudaheed ah uu cudurka Coronavirus ku dhici doono Hal Milyan oo Yuhuud ah, haddii aanay qaadan tallaabooyinka lagula talinayo.

isagoo la hadlayey mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ayuu Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya wuxuu sheegay in xaalad adag oo faafista cudurka COVID_19 ay kusoo fool leedahay dalkaasi haddii aan la fulin tallaaboiyin adag oo looga hortegayo faafista cudurkan.

Wuxuu ka digay in Hal milyan oo Yuhuud ah uu cudurka Coronavirus ku dhici doono, isla markaana ay u geeriyoon doonaan Toban kun oo qof, haddii aan la fulin amarrada dowladda iyo bandowga lagu soo rogayo dhaqdhaqaaqa dadka.

Ad

wararka ayaa sheegaya in dadka Yuhuudda ah ay iska dhega tireen amarrada ku saabsan cudurka Coronavirus, iyadoo laga shakisan yahay in ilaa 10-kun oo qof oo cudurka qaba ay ku dhex jiraan gudaha dalkaasi.

Tirada dadka qaba Coronavirus ee dalka Isreal ayaa xilligan gaartay 2030 qof, halka dadka u dhintay cudurka ay maryaan 5 qof.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON