Ciidamada Amniga Degmada Afgooye ayaa qabtay laba nin oo lagu soo eedeeyay inay ka mid ahaayeen koox afuudbta gabdhaha yaryar, kana ganacsata.
Labada Nin ayaa lagu qabtay Boosteejada baabuurta ee degmada Afgooye, kadib markii Gaari rakaab oo kuwa dadweynaha ka soo saareen laba Gabdhood oo yaryar oo walaallo ahaa, kuwaas oo in muddo ah la raadinayey, waxayna markii la qabtay sheegeen inay ka tirsan yihiin koox shabakad oo ka shaqeysa Ka ganacsiga Caruurta iyo afduubkooda, iyadoo gabadha yar ee lagu qabtay ku qaatay lacag dhan $500.
Gabadhan ayaa waxaa laga soo afduubtay xaafadda Xaawo-taako ee degmada Afgooye, waxaana gabdhaha afduubka ahaa aqoonsaday dadka degaanka oo ku xoomay, gacantana ku dhigay raggii gabdhahaasi yaryar soo xaday, waxaana markii danbe loogu yeeray ciidamada Amniga oo lagu wareejiyayn.
Magaalada Muqdisho iyo degaanada ku dhow ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa hareeyay warar ku saabsan qafaalashada caruurta, taasoo cabsi weyn gelisay waalidiinta.