Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey muuqaalay duubeen aqoonyahano Kenyaan ah oo qurbe joog ah, kaasoo ujeedkiisu yahay in colaad iyo xiisad siyaasadeed looga abuuro dalalka Kenya iyo Somalia.
Dad badan ayaa si weyn u naqdiyey muuqaalkan oo si weyn ay uga caroodeen Soomaalida oo cinwaan looga dhigay “FURY: Somalia COLONIZING Kenya using MUZUNGUS”, wuxuuna salka ku hayaa arrinta muranka badda ee u dhexeeya labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya oo dacwadeeda ay taallo Maxkamadda Caalamiga ah ee cadaaladda Adduunka.
Aqoonyahannada soo duubay Muuqaalkan ayaa Soomaaliya ku eedeeyay iyadoo kaashanaysa dalal caddaan ah ay gumaysan rabto Kenya sida ay hadalka u dhigeen, ayna dooneyso inay boobto badda Kenya. waxayna ku doodayaan hadallo been abuur ah oo ay ku sheegayaan haddii maxkamadda cadaallada ay go’aamiso in Soomaaliya ay leedahay Badda lagu muransan yahay ay taasi horseedi doonto in Kenya ay noqoto dal aan bad lahayn.
Waxaa kaloo dooda ka mida in dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay xoog ku qaadato qeyb kamid ah dhulkooda iyadoo kaashaneysa Garsooraha ssoomaaliyeed ee madaxda ka ah Maxkamadda Cadaaladda ICJ.
HOOS KA DAAWO