Thursday, October 10, 2024

Qoyska Marxuum Cali Khaliif oo dalbaday in Baaritaan cusub lagu sameeyo meydkiisa iyo shaki…

Qoyska iyo Eheladda Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa dalbaday in la baaro sababihii uu u dhintay, kadib markii uu Khamiistii 8-da Oktoobar uu ku Geeriyooday magaalada Jigjiga ee is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Mukhtaar Xaamud oo ka mida ehelka Marxuumka ayaa sheegay inaysan aaminsaneyn warka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Is-maamulka Soomaalida ee ah inuu u dhintay cudurka Covid-19, isla markaana ay shaki ka qabaan xaaladiisa, wuxuuna sheegay inay dalbanayaan baaritaan cusub in lagu sameeyo Meydkiisa.

Qoyska ayaa sheegay in cunto uu cunay ay ku dhalisay Shuban iyo fuuq bax, kadibna xaaladiisa ay xumaatay, sidaasina uu ku geeriyooday, waxaaana socda dadaallo lagu doonayo in arrintan laga sal-gaaro.

Ad

Madaxweynaga is-maamulka Soomaalida Itoobiya ee Somali State ayaa amray shalay in la baaro sababtii dhalisay geerida Marxuum Cali Khaliif, kadibna waxaa isla xalay lasoo saaray natiijada oo lagu sheegay inuu u dhintay Coronavirus, laakiin waxaa sii xoogeystay shakiga ay qabaan Soomaali badan iyo Qoyskiisa.

Meydka Ra’iisal wasaarihii hore ayaa lagu wadaa in laga dejiyo magaalada Muqdisho, halkaasoo aas Qaran loogu sameyn doono, waxaana dib u dhac ku yimid in loo duuliyo Muqdisho, taasoo ay keentay in la sugayo Garaad ka imaanaya Somaliland oo ka qeyb galaya aaskiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON