Waxaa maanta xarunta Dowladda Hoose ee maamulka G/Banaadir lagu soo dhoweeyay Qoyska Allaha u naxariistee Duqii hore ee Muqdisho ahaana Guddoomiyaha gobolka Banaadir Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).
Qoyska oo ka kooban Hooyada iyo afar ka mida ilmaha C/raxmaan Yarisiow ayaa lagu soo wareejiyey Qeybaha kala duwan ee xafiisyada Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar iyagoo arkay sida ay shaqada maamulka u socoto, waxayna dalka ku sugnaayeen tan iyo aaskii marxuumka oo ay meydkiisa la socdeen.
Ku-simaha guddoomiyaha G/Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-alle ayaa qoyska Marxuum Yariisow uga warbixiyay xaaladda ku shaqeyn jiray guddoomiye Yariisow; isagoo sheegay inay sii wadi doonaan dadaalkii, dhabar adaygii, shaqadii geesinimada lahayd ee Guddoomiyihii hore.
![Qoyska Marxuum C/raxmaan Yariisow oo booqday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir [Sawirro]](https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/68881395_120818845932862_2987164662199484416_n.jpg?_nc_cat=103&_nc_oc=AQkdbfetFwZLlN8FbzCZkQn7YszuJ3giQW2AMaVaeGwJB_L2ksWCNVt3-GMaRJdHefk&_nc_ht=scontent-lhr3-1.xx&oh=80d4c77a188b26eae9528a43f06846cd&oe=5DD5FB0C)
![Qoyska Marxuum C/raxmaan Yariisow oo booqday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir [Sawirro]](https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/69046318_120818945932852_9190400848528670720_n.jpg?_nc_cat=109&_nc_oc=AQls13fj6qB86RCxmYrozHeN_MZvHXmotDmU1miVmQ9-dkEwoRYTcd02peF-XNlk-Rg&_nc_ht=scontent-lhr3-1.xx&oh=6e5c0372213fae56b4e6291750e0e405&oe=5DD75A00)
![Qoyska Marxuum C/raxmaan Yariisow oo booqday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir [Sawirro]](https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/68735693_120818985932848_5026984436550336512_n.jpg?_nc_cat=109&_nc_oc=AQkXmUw-8k3vj6tHjXea-4iypazZNiMlC1Cq-DKKZ6JzAU39Q1cM8CAV6QBKjr7Bn3Y&_nc_ht=scontent-lhr3-1.xx&oh=6fb4ea907e684a57ae38d5b8fa6bd357&oe=5E109D21)
![Qoyska Marxuum C/raxmaan Yariisow oo booqday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir [Sawirro]](https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/68904514_120819025932844_4721080617867935744_n.jpg?_nc_cat=102&_nc_oc=AQmTtnkI5XB7b-jW0uV_hOl2asADrjASQmTbk4CpQlmIXpSTyjqhZDGFJhxLoZMs_ZU&_nc_ht=scontent-lhr3-1.xx&oh=8353cfe6fb534783649c0c7d3996fe2e&oe=5DCEFBC9)
