Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya Afar qof oo isku qoys ahaa ay ku dhinteen Guri ku dumay kadib Roob xoog leh ka da’ay caasimadda Somaliland.
Qoyska ku baxay masiibadan ayaa kala ahaa Aabaha, Hooyadii iyo laba Carruur ah oo ay dhaleen, iyadoo qoyskani uu ka mid ahaa dadka danyarta ah, waxaana dushooda ku dhacay Guri Qadiimi ah oo ku dhawaa Gurigooda oo aqal Soomaali iyo cooshado ahaa.
Ciidanka Dab damiska Somaliland ayaa Guriga ka soo saaray Meydadka afarta qof ee ku dhintay Guriga ku dumay Xaafadda Bir-jeex Hargeysa, waxayna arrintani timid iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay Roob waaweyn ka da’ayeen magaalada

