Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku wareejiyey qoyskii lahaa Guri muddo 30 sano ah laga heystay oo ku yaalla degmad Xamarjajab, kadib markii laga saaray dadkii xoogga ku heystay.
Gurigan waxaa lagu wareejiyey Cali Xasan oo wakiil u ahaa Cabdalla Cabdiraxmaan Alboosi oo si sharci ah u lahaa, balse muddo dheer laga heystay. Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa sheegay in dadkii deganaa Gurigaasi ay ku doodayaan in Guriga ay leeyihiin Gaallo iwm, wuxuuna ugu baaqay dadka Guriga looga heysto Muqdisho inay la soo xiriiraan maamulka iyo Maxkamadaha.
Wakiilka milkiilaha Guriga ee Cali Xasan ayaa u mahadceliyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay in si cadaalad ah ay dib u helaan gurigooda oo muddo dheer kaa maqnaa.
Wuxuu ahaa gurigii lixaad ee maamulka G/banaadir uu dib ugu soo celiyo dadkii lahaa intii uu maamulka cusub xilka la wareegay.


