Wednesday, September 18, 2024

Qorshihii Sii deynta Mukhtaar Roobow ee siyaasiyiinta K/Galbeed & IGAD oo Fashilmay [Akhriso]

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya inay guuldarro kusoo dhammaadeen shirar iyo dhaqdhaqaaqyo ka socday magaalada Nairobi oo la doonayey in lagu sii daayo wadaadka Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Shirarkan oo ay ku lug yeelatay IGAD ayaa waxaa hoosta ka waday siyaasiyiin xilligii doorashada K/Galbeed la baxay ‘Isbedel-doon’ oo ka horjeeday Shariif Xasan, balse markii danbe taageeray musharaxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow, kadibna is urursaday ayaa socon waayey markii uu Nairobi isaga tegay maanta Madaxweynaha K/Galbeed oo maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhaba.

Siyaasiyiinta la baxay ‘Isbedel-doonka’ ayaa qorshahoodii socon waayey, waxayna IGAD u jeediyeen qodobo ay ka mid yihiin:

Ad

1- In si shuruud la’aan ah lagu soo daayo Mukhtaar Roobow

2- In dadkii ku waxyeelloobay qalalaasihii Baydhabo magdhow laga bixiyo

3- In dib u heshiisiin guud laga sameeyo K/Galbeed,

- Advertisement -

4- Iyo in lasoo dhiso xukuumad tayo le

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ka baaqsaday shir la filayey inuu Nairobi ka dhaco shalay, isagoo maantana ku laabtay magaalada Baydhaba, iyadoo wararku sheegayaan in madaxda dowladda Federaalka ay ka hor timid qorshaha IGAD iyo waxa ka socda Nairobi.

Sii deynta Mukhtaar Roobow waxaa hore u balanqaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo C/casiis Lafta-gareen bishii Janaayo 2019.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON