Wednesday, February 19, 2025

Qorshihii Muddo Kororsigii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo bilowday iyo Guddi loo magacaabay

Guddi talo-bixin ayaa loo magacaabay talo-soo jeedin ku saabsan wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka KMG ah ee Dowladda Federaalka, kadib Mooshin Soo-jeedin, wax ka bedel iyo kaabis ay gudbiyeen 97 xildhibaan.

Arrintan oo in muddo ah qarsoodi ahayd ayaa si rasmi ah hadda u soo shaac baxday, waxayna ku saabsan tahay muddo kororsi loo sameeyo Hay’adaha Dowladda oo hore a ahaa 4 Sano oo la doonayo in sanad kale lagu kordhiyo.

Guddiga ay magacawday Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka, ayaa ka kooban 11 xildhibaan, waxaaana guddoomiye u ah Xildhibaan Mahdi Guuleed Khadar, ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore, iyadoo laga rabo inay mudo toddbaad ah taladooda ugu gudbiyaan Guddoonka Golaha Shacabka.

Ad

Mooshinka Muddo kororsiga ku dhisan oo lagu doonayo in lagu kordhiyo muddo xileedka Baarlamaanka iyo kan Madaxweynaha, ayaa imaanaya iyadoo uu sanad kaliya jiro Baarlamaanka 11-aad, waxaana la sheegay inay hoos ka riixeyso Madaxtooyada Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON