Thursday, April 24, 2025

Qorshe Maamulka Hawada Soomaaliya lagu wareejinayo Dalal kale oo soo shaac baxay [Akhriso]

Qorshe la doonayay in maamulka hawada Soomaaliya lagu wareejiyo dalal shisheeye ayaa dib u soo noolaaday xilli la hadal hayay in dowladda Soomaaliya la wareegto.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Hay’adda ICAO ee Q/Midoobay u qaabilsan hawada oo gacanta ku heysa maamulka Hawada Soomaaliya ayaa sheegeysa qorsheyneyso inay xirto qeybo ka mida hawada Soomaaliya.

Qorshahan oo soo shaac baxay aakhirkii sanadkii 2016 ayaa dib u soo noolaaday kadib markii dalalka diyaaradahoodu adeegsadaan hawada Soomaaliya ay ka dacwoodeen tayo xumida xafiiska ICAO ee Nairobi, iyadoo markaasi la soo jeediyay in maamulka hawada Soomaaliya loo wareejiyo dalal dhowr ah sida: Itoobiya, India iyo Sycheles.

Ad

Xogtan ayaa sheegeysa in ugu horeyn Hawada Soomaaliya qeyb ahaan la xiro, iyadoo la xadidayo joogga ay diyaaradaha ku isticmaali karaan Hawada Soomaaliya (Flight Lecel Allocation Scheme). Qorshaha kale ayaa noqonaya in maamulka Hawada qeybta Badweynta Hindiya xiga loo qeybiyo India iyo Seychelles.

Howshan waxaa qorsheynaya qeybta ICAO ee  Air Navigation Bureau, taasoo sabab lologa dhigay  tayo xumida qalabka  ay adeegsaneyso xarunta Hawada Soomaaliya laga maamulo ee ku taala Nairobi. Xarunta Nairobi oo shaqeyneysay ilaa sanadkii 1995 waxaa maamusha hey’adda ICAO, iyadoo loo yaqaan  Flight Information Service for Somalia (FISS).

- Advertisement -

Arrimahan oo dhacay waxay soo baxayaan iyadoo magaalada Muqdisho laga wado qorshe dowladda Soomaaliya kula wareegeyso maamulka hawada, laguna dhawaaqay in bisha Oktoobar ay arrintan dhici doonto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON