Wednesday, July 17, 2024

Qormo Xiiso leh: Xaaladda Xildhibaanada, Xasan Sheekh iyo Xamsa; Muuse Biixi iyo Laascaanood

-

- Advertisement -

Waxaan ahay xildhibaan ku jira 6 Whatsapp group ka billawda kan beesha hoose ee Cayr, ku xiji kan Habargidir, Hawiye, xildhibaannada Galmudug, mid loo bixiyey aayaha Baarlamaanka iyo kan guud ee Golaha shacabka. Midkoodna hawlihii Golohu lahaa ee sharci dejin, jihayn siyaasad qaran, korjoogtaynta laanta fulinta, metelaad deegaan, masiirka dawlad dhiska iyo la dagaalanka Alshabaab midna loogama hadlo.

Golaha Shacabku xubnihiisu waa 275 mudane, lagu so xulay 4.5, laakiin jufo, beel ama qabiil isku ajande ah, ama isku meel wax u wadaahi ma jiro. Xisbiyo ama kutlooyin laga tirsan yahayna ma laha.

Xildhibaan kasta madaxiisaa mayrax ugu xiran tahay, waa nin walbow naftaa nabiyow umaddaa. Qaar waxay ka joogtaa maxaaan shaqadaydii uga soo tegey.

- Advertisement -

Markii Golihii la xiray Cumro, Istanbuul iyo Nairobi ayaa loo kala yaacay. Nairobi waxaa maalmo dhow ku sugnaa ku dhowaad 10 wasiir iyo 100 xildhibaan oo danahooda shakhsiga ama qoysaskooda la jooga, kuwaa ayaan ka mid ahay.

Maqaayadaha iyo hoteellada Kenya ayaa la isaga soo hor baxaa. Ra’iisul Wasaarihii isna ku dhowaad labo toddobaad ayuu Cumro iyo Ciid ku maqnaa. Allaha ka aqbalo.

Madaxweynaha kaligiis ayaa harjad iyo halgan dagaal Al-Shabaab kula jira. Wuxuu u egyahay nin sidii Nabbi Muuse (CS), lagu yiri

“Tag oo adiga iyo Ilaahaaga dagaallama halkaan ayaan kugu sugaynaa”. Qof walba in Alshabaab laga soo adkaado ayey sugaysaa. Waa dagaalkii Putin iyo Ukraine oo kale.

Maayarkii Muqdisho isagoo dhallinyaro budayn ku jira, ayaa magaaladii mar qura biyo ku soo burqadeen, bullaacadihiina wada butaaceen, Bajaajtiina weli ma bejin.

Waxaan arkay ruux masuul ah oo Facebook-giisa ku aammanay bakooradda Maayarka, labo maalin ka dibna isla qofkii ayaa la ii sheegay in uu qolo ajnabi ah kula sheekaysanayey in Maayarku yahay xagjir loona baahan yahay in dalka laga qabto.

La yaabbi mayo, sababtoo ah labo wajileynta waxay noqotay meherada keli ah ee maanta siyaasadda ka furan.

- Advertisement -

Ma sahlana in aad siyaasadda ka libin keento haddii aad waydo saaxib runta kuu sheega, dhufaysna kuugu jiraan mucaarad iyo maamul gobolleedyo doonaya in ay ku wiiqaaan, dagaalna kula jirto cadow doonaya in uu ku dilo.

Dunida ma jiro dal 30 sano gobannimo la’aan ah, dadkiisuna la noolyihiin argagexiso, colaad, faqri, cudur, waxbarasho la’aan, abaaro, fatahaad, sharci iyo kala danbayn la’aan, dhallintiisiina rajo beel iyo quus darteed, ay qax iyo tahriib hor leh billaabeen.

Dagaalka Laascano weli ka socda ee dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo hanti burburka baaxadda leh sababay wuxuu tilmaan ka bixinaya halka ay Soomaali 30 sano ka dib taagan tahay.

Somaliland waxaa ku dhacay gaboodfal magac dawladeed loogu geestay, ka dibna gooni isku taag ayey xal u arkeen. Sidoo kale ayaa reer Laascaano gaboodfal u geystay maamulka Somaliland, waxayna doonayaan midnimo Soomaaliyeed. Haddii aan midnimo Soomaaliya lagu qasbi karin Somaliland, sidee Laascaano midnimo Somaliland loogu qasbayaa?

Laancaano kuma eka ee beelihii kale way cabanayaan, muddo xileedka Biixina waa dhamaaday, isfaham la’aan ayaa isaga iyo mucaaradka ka dhex taagan, ismadii xalka keeni jirayna waa kuwa leh;

“Abidkeeyba meel lagu xintamo waa anigaa xigaye

- Advertisement -

maxaa iga xumaan jiray, haddii rag is xiniin taabto”.

Halkaa sawir aan wanaagsanayn iyo saadaal aan wacnayn ayaa ka soo socota.

Taa waxaa la mid ah muddo xileedka gabaabsiga ah ee madaxda dawlad Gobolleedyada Federaalka iyo damaca muddo kororsiga ee ay wada qabaan, goodiska, hanjabaadda iyo is abbaabulka ay wadaan siyaasiyiinta diiddan xil kororsiga ee iyaga xukunka kula loollamaya iyo ka dan la’aanta qaybaha kale ee bulshada iyo daalka ka muuqda beeshii caalamka ee booliska ahayd, waxaasoo idil waa daruur mugdi ah oo Soomaaliya dul hoganaysa.

Culimada cilmiga bulshada waxay yiraahdaan, “sida ay ummadi u nooshahay waxay ka turjumaysaa aragtida ay nolasha ka qabaan”. Cidna ku eedi mayno waxaan u noolnahay sidii aan mutaysanay.

Carabta waxay tiraahda; “shidooy bado si dhabbe u furmo”. Habeenku marka uu ugu mugdiga badan yahay ayuu waagu dillaacaa, siday u indha xuntahay uma Alle la’a, inkastoo Qaanuunka Rabaaniga uu ahaa “Ilaaheey qolo ma beddelo ilaa iyo inta ay iyagu iska beddelaan”. “Qaanuunka Allana isma beddelo ismana doorsho”

Is-beddel kama horreeyo iyadoon sida aan u fekerayno iyo aragtideena diinta, adduunka iyo dawladnimada is-beddelin.

W/Q: C/raxmaan C/shakuur Warsame
Xildhibaan Barlamaanka Federaalka

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Dagaaladii ugu cuslaa muddo Sanad ah oo lagu qaaday Alshabaab-ka ku sugan Galgaduud

Toddobaadkan waxaa Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ka dhacay dagaalo culus oo qasaare weyn lagu gaarsiiyay Alshabaab, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay kadib...

Dawlada Somaliya oo Odayaasha iyo Dadka Caabudwaaq ku Amartay inay soo celiyaan Hubkii ay furteen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay arrinta Hub ka yimid dalka Itoobiya oo maleeshiyada degaanka Caabudwaaq ay dagaal uga furteen ciidamo ka tirsan...

Askar NISA iyo Milateri ah oo Dil Toogasho loogu xukumay iyo Wiil Arday ah oo ay dileen

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Dil toogasho ah ku xukuntay askar ka tirsan ciidamada Milateriga oo lagu dilay Dil bareer ah,...

Maleeshiyada degaanka Caabudwaaq oo Dagaal kula wareegtay Hub ka yimid Itoobiya..

Maleeshiyada degaanka ee degmada Caabudwaaq, Gobolka Galgaduud ayaa weerar ku qaaday laba gari oo la sheegay inay Hub sideen oo kusii jeeday magaalada Dhuusamareeb....

Xildhibaan Hanjabaad darteed uga maqan Muqdisho iyo Magacyada Xildhibaanno la baafiyay…

Kulankii Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo maanta iyadoo Kooram u buuxsamin Doodihiisa iska sii waday ayaa maanta laga akhriyay magacyada xildhibaannada fasax la'aanta uga...

Wasiirka Maaliyadda: “Ninka Xildhibaanka sheegta ee Abiib wuxuu ceeb ku yahay Qaranka”

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa si weyn u weeraray xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo warbixin been ah...

Xildhibaan shaaciyey inuu Faraha ka baxay Amniga Muqdisho, kadib Qaraxyadii…

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaciyay inuu faraha ka baxay Amniga Caasimadda Muqdisho, kadib qaraxii xalay ka dhacay Maqaayad ku dhow...

XOGAHA QARSOON

Xildhibaan Hanjabaad darteed uga maqan Muqdisho iyo Magacyada Xildhibaanno la baafiyay…

Kulankii Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo maanta iyadoo Kooram u buuxsamin Doodihiisa iska sii waday ayaa maanta laga akhriyay magacyada xildhibaannada fasax la'aanta uga...

XOG: Magacyada Dil-Sugeyaashii Alshabaab ee ka dhex dagaalamay Xabsiga Dhexe

Xog cusub ayaa laga helay Maxaabiistii Alshabaab ee fulisay weerarkii maanta ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Caasimadda Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen ilaa...

Xildhibaannada Mucaaradka oo Tallaabo culus ugu hanjabay Sheekh Aadan Madoobe

Xildhibaannada Mucaaradka ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Sheekh Aadan Madoobe, kulankaas oo fashil kusoo dhammaaday.Xogt la...

Maxaa ka jira inuu Wadahadalkii ugu horeeyay u furmayo Dowladda Somaliya iyo Alshabaab?

Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dooneyso wadahadal ay la gasho Xarakada Alshabaab oo muddo 15 sano dagaal kula...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you