Monday, February 10, 2025

Qoorqoor oo Mowqif aan la filayn ka qaatay RW Rooble iyo dhammeystirka Doorashada

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa qaatay go’aan aan laga filayn oo uu ku muujiyey dhexdhexaadnimo ku saabsan khilaafka ka taagan dhammeystirka Doorashada iyo tallaabooyinka uu qaaday Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay inay Galmudug waxay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah.

“Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka” ayaa lagu yiri qoraalka Axmed Qoorqoor.

Ad

Qoraalka Galmudug ayaa lagu sheegay inay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, isla markaana go’aan kasta oo hal dhinac ah uu khatar galin karo wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran.

“Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Madaxweynaha Galmudug.

Qoorqoor oo la filayey inuu taageero dhinaca Farmaajo ayaa ka gaabsaday inuu sida maamulka K/Galbeed qaato go’aan ka dhan ah Ra’iisal Wasaare Rooble, dhinaca kalena wuxuu muujiyey inay jirto xaalad xasilooni darro lagu abuurayo isagoo aan cidna soo hadalqaadin, taasoo ah mowqif uu uga fogaaday taageeradii Qorshaha Villa Somalia.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON