Wednesday, May 21, 2025

Qoorqoor oo Lafta-gareen ku raacay Diidmada Jadwalka Guddiga Doorashada FEIT (Sababta)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa soo saaray qoraal uu sharci darro ku tilmaamay inuu Guddiga Doorashada Heer Federaal isugu yeero Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad iyo xilliga uu u qabtay in la dhaarinayo.

Qoraal laga soo saaray Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu yiri: “Galmudug waxay caddeyneysaa inaysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka. Galmudug waxay ka digeysaa waxkasta oo caqabad ku noqon kara dhameystirka hanaanka doorashooyinka”.

Qoorqoor wuxuu ku eedeeyay Guddiga Heer Federal ee Doorashooyinka FEIT inay adeegsanayeen awood ka baxsan sharciyadooda.

Ad

“Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxay qaadeen tallaabo ka baxsan awooddooda, waxeyna kasoo horjeedaa heshiiyadii iyo habraacyadii Doorashooyinka” ayaa lagu yiri qoraalka xilliga dabe xalay laga soo saaray xafiiska Madaxweynaha Galmudug.

Qoraalka Qoorqoor ayaa yimid saacado kadib markii C/casiis Lafta-gareen uu sidoo kale ka ka hor yimid Qorshaha jadwaleynta dhammeystirka Doorashada, iyadoo labada qoraal ay u muuqdaan inay hal meel kasoo wada baxeen, loogana horjeedo xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Guddiga FEIT.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ee sida xulashada iyo magacaabista ah kusoo saartay xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ayaa wata qorshe ay doonayaan inay kusii maamulaan doorashada kadib, si ay dano doorasho ugu gaaraan, taasoo ku cusub siyaasadda dalka.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON