Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka qof Meyd ah oo la garan waayay lagu arkay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Meydka ahaa ahaa nin ay jirkiisa ka muuqatay in rasaas lagu dilay, waxaana la soo dhigay xaafadda Cali Turcaaye agagaarka Masjidka Qaliil. Dadka degaanka ayaa sheegay in ninkan meydka ah ay da’diisa ku qiyaasee 30 sano jir, iyadoo ay aqoonsa nwaayeen dadkii xaafadda deganaa.
Maamulka degmada Heliwaa ayaa sheegay inay baaerayaan falkan, waxaana meydkii laga qaaday goobtaasi, kadib markii ay sii bateen dadweyne doonaya inay arkaan goobtiina ay noqotay mid saxmad ah.
Meydadka dadka la soo dhigo xaafadaha Muqdisho ayaa marmar ka dhaca magaalada iyadoo aan la ogaanin inta badan sababaha loo dilo dadkasi iyo cidda disha midna.