Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in qof meyd ah saaka laga helay aagga u dhaxeeya labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.
Meydka qofka la helay oo shacab ahaa ayaa dadkii ugu horeeyey saaka ku arkeen Suuqa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana uu yaallay goob ay dhowaan dhowaan ay ku dagaalameen maleeshiyaad ganacsato oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.
Lama oga cidda dishay qofka meydka ah iyo sababta loo dilay midna, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa dadka ka xoogsada Suuqa Magaalada Gaalkacyo, waxaana jjirkiisa lagu arkay rasaas.
Dilka ninkan ayaa laga cabsi qabaa inuu daba socdo iska hor imaadkii dhinacyo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ku dhex maray bartamaha Suuqa Gaalkacyo.