Monday, February 10, 2025

Qodobka ugu halista badan Heshiiska Madaxweynaha Somaliya iyo Imaaraadka Carabta

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay heshiisyo ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kadib socdaalkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tago dalkaasi intii la doortay 15 May 2022.

Taageero dhaqaale oo gaareysa 20 Milyan Dollar oo loo qoondeeyay Abaaraha, marka laga soo tago waxay madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo iskaashigii dhinaca Amniga iyo ciidamada.

Imaaraadka Carabta ayaa dowladda Soomaaliya ka taageeri jirtay tababarka ciidamada, iyagoo Muqdisho ku maamuli jiray Xero ciidan oo ay ku jiraan ciidamo toos u hoos taga, oo xilligii dowladii hore ee Xasan Sheekh shaki badan laga qabay.

Ad

Dowladii Farmaajo ayaa kala dirtay ciidamadii u tababarray Imaaraadka, kuwaas oo qaadan jiray lacago gaara, waxayna Soomaaliya xilligaasi halis u gashay inay sida Yeman Imaaraadku ku yeesho ciidamo u daacad ah.

Heshiiska cusub ee dhinaca amniga oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu la galay Imaaraadka ayaan la ogeyn faahfaahintiisa, iyadoo la gaaray xilli aanay jiri xukuumadda, Ra’iisal wasaaraha la magacaabayna aanu helin kalsooni.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON