Shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ka furmay 2-dii Oktoobar ayaa Caawa la soo gabagabeeyay iyadoo laga soo saaray warmurtiyeed ku saabsan Doorashada maamul Goboleedyada iyo dhismaha Guddiyada Doorashooyinka.
Shirkan oo muddo hakad galay, isla markaana uu ka baxay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam la sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran isku raacay in la qabto Doorashada Dowladaha hoose Bisha June 2025, iyadoo Sidoo kale doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Gobolleedyada la qaban doona September 2025.
Qodobadda ugu muhiimsan War-murtiyeedka ayaa ah in muddo kordhina sanad kale ah loogu daray madaxda Mamaul Goboleedyada, iyadoo Xukuumadda Federaalka ay soo dhiseyso Guddiga Doorashada Dalka.
Hoos ka Akhriso War-Murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran
Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Golaha Wadatashiga Qaran War-murtiyeed
I. Hordhac
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho 02-30 October 2024. Shirka waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
GWQ ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faahfaahsan oo taabanaya amniga Qaranka. Goluhu wuxuu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta, iyo xaaladda dhaqaale ee dalka.
II. Bogaadin:
Goluhu waxuu bogaadinayaa sida ay Dowlada Federaalka (DF) u maaraysay goobihii ay kala wareegtay ciidamada ATMIS, taas oo caddeyneysa sida DF ay uga go’antahay gaarsiinta isku filnaansho dhinac walba ah.
Goluhu waxa uu soo dhaweeyay tallaabada taariikhiga ah ee Markabka dalka Turkiga ee Oruc Reis, oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeena, isagoo ku ammaanay dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ay gelisay sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka dalka.
III. Baaq:
Goluhu wuxuu ugu baaqayaa xubnaha ka maqan in Goluhu uu mar walba diyaar ula yahay wadaxaajood iyo wadahadal lagu soo afjarayo wixii kala aragti duwanaansho ah ee jira.
IV. Qodobada Shirka ka soo baxay:
GWQ waxuu si qoto-dheer u falanqeeyay xaaladaha aminga, siyaasadda, iyo xaalada bini aadanimo ee dalku uu marayo. Sidoo kale GWQ isaga oo tixraacaya heshüisyada shirarkii bishii December 2022, March 2023, iyo May 2024, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda:
1. GWQ wuxuu go’aamiyay in ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyadii horay loo galay isla markaana dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhisan nidaamka xisbiyada badan oo ay shacabka Somaliyeed si toos ah wakiiladooda ugu soo doortaan.
2. GWQ wuxuu isku raacay in si degdeg ah baarlamaanka federaalka loo horgeeyo sharciyada doorashooyinka, xisbiyada badan iyo guddida doorashada iyo xuduudaha.
3. GWQ wuxuu soo jeediyay iney xukuumadda JFS soo dhamestirto dhismaha Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha.
4. GWQ wuxuu isku raacay in Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha uu soo diyaariyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka geedi socodka doorashada si shuruucda dalka waafaqsan.
5. GWQ wuxuu isku raacay in Doorashooyinku ku qabsoomaan sida soo socota:
5.1. Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa Juun 2025.
5.2. Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda DXDF waxay dhici doontaa Sebtember 2025.
Saxiixayaasha war-murtiyeedka
Mudane Xamza Cabdi Barre
Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda XFS
Mudane Saalax Axmed Jaamac
Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS
Mudane Axmed Maxamed Islaan (Madoobe)
Madaxweynaha Dowladda Jubaland (Ma saxiixin)
Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Soomaaliya
Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Soomaaliya
Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa Muqdishu