Gabar 16 sano jir ah ayaa noqotay qofkii ugu yaraa ee Qaarada Yurub ugu geeriyootay Cudurka Covid-19 oo uu keeno Coronavirus, iyadoo aan cudur hore qabin.
Waxaa hore loo aaminsanaa inuu dadka dhalinyarrada iyo da’ yarta aanu cudurkan saameyn weyn ku yeelan, laakiin Geerida gabadhan Faransiiska ah ee lagu magacaabo Julie Alliot waxay keentay cabsi kale oo ah in cudurka kala duwan yahay, awoodna u leeyahay inuu galaafto dadka yaryar iyo dhalinyarrada.
Gabadhan oo ciyaal iskuul ahayd ayaa xaaladeedu fiicneyd, mana jirin wax cudur ah oo ay qabtay, waxaana la sheegay in kaliya lagu arkay qufac yar toddobaad ka hor, kadibna ay xaaladdeeda si degdeg u xumaatay, iyadoo neefta ay ciriiri ku noqotay; markii loola cararray isbitaalka Necker ee magaalada Paris ay cudurkii u geeriyootay.
Xaaladeeda waxaa ka hadlay hooyadeed iyo walaasheed oo ka faalleeyay geerida Julie Alliot oo ahayd gabar yar oo dadka degaankeeda ay jeclaayeen, waxaana aaskeeda uu ka dhici doonaa Isniinta xaafadda ay ku dhalatay ee magaalada Paris, iyadoo ay ka qeb geli doonaan 10 qof oo kaliya.