20 maalmood ayaa laga joogaa markii loo xilka Ra’iisal wasaaraha lo magacaabay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxameed Xuseen Rooble, oo kalsoonida Baarlamaanka helay 23-kii September 2020, wuxuuna xafiiska la wareegay 27-kii Septembar 2020.
Shaqada ugu weyn ee laga sugayo ayaa ahayd inuu degdeg u soo magacaabo Gole Wasiiro, balse 10 maalmood oo uu si rasmi u yahay Ra’iisal wasaare wuxuu qabtay saddex shaqo oo ka baxsan qaabilaad, kuwaasoo kala ah:
1- Inuu shaaciyo Habraacyadii heshiiskii Doorashada ee ay soo saareen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamul Goboleedyada (Akhriso)
2- Wareegtadii Wasiirada xilka sii haya ku socotay (Akhriso)
3 iyo Safarkii tacsida ahaa ee uu ku gaaray Kuwait. (Akhriso)
Xogta la helayo ayaa sheegeysa in Ra’iisal wasaare Rooble u shaqo bilaabay, isla markaana uu Xafiiska ku soo biiriyey saddex qof oo la-taliyeyaal, laakiin caqabadii ugu horeysay uga timid Xoghayaha joogtada ah ee xafiiskiisa C/risaaq Caato xubnaha uu shaqaaleysiiyey Ra’iisal wasaaraha ka cago jiiday inuu xitaa aqoonsi u sameeyo ilaa faragelin lagu sameeyo.
Waxaa Xafiiska ka muuqda inuusan waxba iska bedelin, waxaana awood dheeraad ah la soo baxay sii-hayaha ku-simaha Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed. Madaxweyne Farmaajo ayaa wasiirada xilka haya u sheegay inay intooda badan kusoo laaban donaan wasiirada cusub, waxaana muuqata inuu Mahdi Guuleed oo si weyn daacad ugu ah Madaxweyne Farmaajo isna xilkiisa kusoo laaban doono, culeysna ku noqon doono Rooble.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo fowdo ay hareysay intii uu ku-simaha ka ahaa Mahdi Guuleed, wuxuu Ra’iisal wasare Rooble soo saaray wareegtadiisii ugu horeysay si uu uga hortago isagoo jooga in Wasiirada xilalka sii haya ay sameeyeen magaaabis ama go’aanno kale, laakiin wuxuu dhinaca kale indhaha ka qabsaday inuu meesha ka saaro tallaabooyinkii ay qadeen Wasiriradaasi intii aan la magacaabin.

Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo xubnaha la kulmay ama la sheekeystay Ra’iisal wasaare Rooble waxay sheegeen inuu yahay nin aad u degan oo diyaar u ah inuu si dhow ula shaqeeyo Madaxweyne Farmaajo, taasoo ay caddeyn u noqon dootno Golaha Wasiirada uu soo dhisi doono.
GOOBJOOGE