Saturday, March 15, 2025

Qeylo-dhaan ka timid xaalada Weriye ka tirsan Warbaahinta Dowladda oo Dayac ku heysto Isbitaalka Martiini

Wararka laga helayo Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegaya in xaalad dayac ah ay Isbitaalka Martiini ku heysto weriye ka tirsan Warbaahinta dowladda oo saaka la geeyay halkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafina Ismaaciil Mukhtaar Oronjo ayaa farriin uu soo dhigay baraha bulshada si weyn ugu dhaliilay Wasaaradda Caafimaadka, isagoo sheegay in weriyaha aanu helin qalabkii caafimaad ee ka caawin lahaa neefsashada oo dhibaato ku ah.

“Walaalkeen Maxamad Xasan National oo ka mid ah Wariyayaasha SNTV ayaa isagoo Naqasku ku dhagan yahay saaka la dhigay Isbitaal Martiini, Waxaana ku haysta dayac xoog leh. Illaa iyo hadda ma helin qalab ka caawin kara Naqaska, Waxaana uu ku jiraa Xaalad adag. Si xoog leh ayaan arrintan ugu cambaaraynaynaa Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Isbitaal Martiini, Waxaana codsanaynaa in Madaxda Qaranku ay soo farageliyaan dhibaatadda ka jirta Isbitaalkan..” ayuu yiri Afhayeenka.

Ad

Lma oga cudurka soo ritay Weriyaha, iyadoo saaka uun la geeyay Isbitaalka markii lagu arkay calaamado ay ak mid tahay inay neefta dhib ku noqotay, waxaana baaritaanka kiisaska Coronavirus uu qaataa magaalada Muqdisho 24 saac ama ka badan.

Weriyeyaal iyo dad siyaasiyiin ah ayaa ka hadlay xaaladda weriyaha, iyadoo aan weli wax jawaab ah laga helin wasaaradda caafimaadka. Arintan ayaa haddii ay sax noqoto mar kale su’aal gelineysa xaaladda Isbitaal Martiini oo dhowaan la sheegay in loo dhameystiray adeegyadii caafimaad.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON