Saturday, March 22, 2025

Qeybtii labaad Tahriibayaal laga soo celiyay Dalka Liibiya oo maanta kasoo degay Magaalada Muqdisho [Sawirro]

Koox ka kooaban 13 dhalinyaro tahriibayaal ah oo laga soo daayay Xabsiyada ku yaala Dalka Liibiya oo ay kula soo kulmeen Dhibaatooyin badan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Qaar kamida dhalinyaradda Dalka dib loogu soo celiyey ayaa sheegay in Xabsiyada Liibiya ku xiran yihiin Dhalinyarado badan oo Soomaaliyeed ayna la kulmaan dhibaatooyin uu jirdil ugu horeeyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay in dib loo soo daayo dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku xiran qaar kamida Xabsiyada Caalamka.

Ad

“Runtii arrintan waxaa ay qeyb ka tahay Dadaalka Dowladda Soomaaliya wado kaas oo ah in dib Dalkooda loogu soo celiyo dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku xiran qaar kamida Xabsiyada Caalamka, waxaa  noo hirgalay Qorshayaal badan oo dhalinyaradaas lagu soo deynayo waxaana kamida Dalalka laga soo daayey Ethiopia, India, Jaziirada siishalis iyo Dalka Libya”.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo Wakaaladda SONNA la hadlay ayaa sheegay in qeybta Sedexaad Maxaabiista ku xiran Xabsiyada Liibiya oo tiro ahaan gaareysa 48-ruux ay rajeynayaan in Todobaadka soo socda la keeno Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore  qaar kamida Dalalka Caalamka ay ka soo deysay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa, waxaana Dalalkaas kamid ah Ethiopia, India, Jaziirada siishalis iyo Dalka Libya waxaana sidoo kale jira Qorshayaal kale oo Dowladdu wado kuwaas iyana lagu soo deynayo Dhalinyaro ku xiran Dalal kale oo Caalamka ah.

- Advertisement -

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON