Wararka laga helayo dalka Liibiya ayaa sheegaya in in dad ka badan 40 qof lagu dilay weerar ay diyaarad dagaal ku qaaday xarun lagu hayo dadka qaxootiga ah ee tahriibta ku joogay dalka Liibiya ee u badan dalalka Afrikaanka.
Weerarka ayaa dhaliyey qasaare baaxad leh, waxaana meydadka dadkaasi uu daadsanaa goobta ay duqeyntu ka dhacday, iyadoo dhimashada ay gaartay 40, halka dhaawaca ka badan yahay 35 kale, waxaana falkan cambaareeyay hay’adaha Q/Midoobay iyo dowladda Liibiya ee dagaalka ku jirta.
Weerarka waxaa lagu eedeeyay inay qaadeen ciidamada uu hoggaamiyo Jeneraalka Khalifa Haftar oo ay taageeraan Imaaraadka iyo Masar, iyagoo dagaal kula jira dowladda fadhigeedu yahay magaalada Triboli.
Kooxa Gen. Haftar ayaa beeniyey inay qaadeen weerarkan, waxayna ku eedeeyeen dowlada Liibiya.