Dalalka Qatar iyo Imaaraatka Carabta ayaa maanta oo isniin ah ku dhawaaqay inay dib u soo ceshadeen xiriirkii Diblomaasi, iyadoo dib loo furay safaaradihii labada dal.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa shaacisay in la soo celiyay xiriirkii labada dal, iyadoo arrintan ay ku beegantay xilli ay Gobolka ka socdaan dadaallo ballaaran oo dib u heshiisiin, kadib markii dalalka Carabta ay soo afjareen xayiraadii iyo go’doomintii lagu soo rogay Dowladda Qatar.
Labada wasiir ee arrimaha dibadda dalalka Qatar iyo Imaaraadka, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani iyo Sheikh Abdullah bin Zayed, ayaa si toos ah wadahadal ku yeeshay khadka talefoonka, iyadoo labada safaaradoodba dib loo furay maanta.
Labad adl ayaa sanado badan waxaa u dhaxeeyay loolan adag oo ku saabsan saameynta gobolka, doorka Islaamka ee siyaasadda iyo taageerada dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ee dalalka Carabta iyo Bariga Dhexe.
Sannadkii 2017-kii ayey dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa gabi ahaanba xiriirka u jaray dowladda Qatar, kaddib markii lagu eedeeyay inay taageerto argagixisada, taasoo tixraac u ah Islaamka siyaasadda, iyo inay xiriir dhow la sameysatay Iran.
Dalalka Masar iyo Qatar ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee dib u soo celiya xiriirka diblomaasi, iyagoo dib u magacaabay safiiradii labada dal sanadkii 2021, kadib markii Sacuudigu uu hor kacay heshiis lagu soo af-jarayo colaadda, halka Bahrain aysan weli dib u furin safaaradeedii Doha.