Wednesday, December 6, 2023

Qasaare xoog leh oo ka dhashay Qaraxii Alshabab ka fulisay magaalada Buuloburte

Qarax is-miidaamin ah ayaa Galabta la dhacay Magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan, kasoo geystay qasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur leh.

Qaraxa magaalada Buulaburte oo ka mid ahaa qaraxyo Alshabaab maanta ka fulisay degmooyinka Jalalaqsi iyo Buuloburte ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 6 qof oo 3 ka mida ay ku jireen masjidka weyn ee magaalada oo burburka qaraxu saameeyay.

Sidoo kale waxaa qaraxa Buuloburte ku dhaawacay dad gaaraya 30 qof, waxaana lagu soo beegay xilli maanta oo ah Sabtida, oo caadiyaan Suuqa magaalada ay dad badan isugu yimaadaan.

Ad

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badan aya waxyeelo burbru ah gaarsiiyey Guryo, Goobo ganacsi iyo Masjidka ugu weyn magaalada oo dadkii ku jiray qaarkood ay ku geeriyoodeen.

Waa markii labaad ee Alshabaab maalin qura qaraxyo ka fuliso degmooyinka Jalalaqsi iyo Buuloburte, iyadoo aan lagu guuleysan in lagha hortago, inkastoo mid ka mida qaraxyadii Jalalsqsi la fashiliyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON