Qasaare xoog leh ayaa ka dhashay Dab xalay qabsaday Suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho oo ka mida suuqyada ugu waaweyn ee caasimadda Muqdisho.
Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay Koronto, wuxuuna ka bilowday qeybta u dow Masjidka Marwaaz, iyadoo uu kadib uu ku ku fiday qeybaha Dahablaha, Dukaamada Dharka iyo Kawaanka Hilibka.
Ganacsatada Suuqa ayaa qasaare culus kasoo gaaray Dabka, waxaana laga soo xigtay milkiilaha Carwa Xul Style oo ka mida ganacsiyada gubtay inuu Dabka ku waayey lacag dhan $40 kun oo carwadiisii ay bas beeshay.
Gurmadka Dab damiska Gobolka Banaadir ayaa lagu eedeeyay inay degdeg u tegi waayeen goobta Dabka ka bilowday, taasoo keentay in Dabku sii fido, qasaaruhuna sii bato.
Waxaa goobta tegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in Dabkii la xakameeyay, balse ay la xisaabtami doonaan Shirkadaha Korontada, balse Dabka ayaa dhaliyay qasaare xoog leh.