Wednesday, February 19, 2025

Qasaare Culus oo Alshabaab kasoo gaaray Weerarkii J/Hoose iyo Meydad badan la soo bandhigay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo culus oo degaano u dhow magaalada Kismaayo, kadib weerar ay Alshabaab maanta ku qaadeen saddex aag oo ka tirsan Gobolka J/Hoose.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Daraawiishta Jubbaland iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka hortageen Weerar saddex ah oo si isdabajoog ah ay ugu soo qaadeen maleeshiyada Alshabaab.

Saddexda weerar ayaa ka kala dhacay Galbeedka iyo Koonfurta magaalada Kismaayo oo dhowaan laga qabsaday Alshabaab, waxayna Shabaabku weerarkii hore u ekeeyeen degaanada Xarboole iyo Mido ee duleedka magaalada Kismaayo.

Ad

Sidoo kale waxay Alshabaab weerarreen saldhiga degmada Buulo Xaaji oo 90 KM dhinaca koonfureed ka xiga magaalada Kismaayo. Alshabaab ayaa la sheegay in lagu jebiyay dhammaan weerarradii ay maanta qaadeen.

Waxaa Baraha Bulshada ayaa lagu baahinayaa sawirrada meydad la sheegay in laga soo qaaday Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Hub badan oo laga qabsaday.

Al-Shabaab ayaa dhinacooda shaaciyay inay saddex weerar ku qaadeen degaanada Buulo-xaaji, Harboole iyo Miido, halkaasina ay ku laayeen ciidamo iyo saraakiil. Waxay kaloo Alshabaab sheegatay inay weerar jid-gal ah ku qaaday degaanka Cabdalla-biroole ee duleedka Kismaayo, halkaasina ay ku dhaawaceen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Jubaland, Maxamed Yuusuf Cumar.

- Advertisement -

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed ayaa qoraal uu soo saarya ku sheegay in Khawaarijta cashar loo dhigay maanta aanay weligood hilmaami doonin, laguna laayay Harboole, Baarsanguuni iyo Buulo Xaaji.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON