Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qasaaraha uu dhaliyay weerarkii Alshabaab ku qaaday xalay Dadweyne ku sugnaa Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Weerarka oo ku bilowday Is-miidaamiye isku dhex qarxiyay dadkii xeebta ku sugnaa iyo dabley gudaha u gashay Hotelka Beach View, waxaaana howlgal ay qaadeen ciidamada dowladda la soo gabagabeeyay saaka waaberigii hore, iyadoo lagu dilay 5 dabley Alshabaab ah.
Isbitaallada Muqdisho waxaa buuxiyay dhaawacyadii ugu badnaa muddooyinkan oo weerar kaliya ku waxyeelooba, iyadoo Afhayeenka Booliska G/le Cabdifitaax Aadan uu goo dhoweyd shaaciyay Qasaaraha ka dhashay weerarka.
Booliska ayaa sheegay inuu qasaaraha gaaray dhimasho iyo dhaawac ilaa 100 qof. Weerarkii xalay waxaa ku dhintay 32 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 63 qof oo kale, kaasoo ka dhigan mid ka mida weerarradii ugu qasaaraha badnaa ee Alshabaab ka fuiiso caasimadda ilaa sanadkii 2022.
Alshabaab ayaa sheegatay weerarka inay ku dishay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana dadka ku dhaawacmay ay sheegtay inuu ku jiro taliye ku xigeenka NISA ee Gobolka Banaadir.