Friday, December 1, 2023

Qasaaraha Roobka Deyrta iyo Xukuumada oo taageero ka dalbatay Ganacsatada

Xaalad Bani’aadamnimo ayaa ka dhaaltay Roobab waaweyn oo kuwii Deyrta ah oo keenay fatahaada webiyada Soomaaliya iyo daadad sababay khasaare iskugu jira dhimasho, barakac iyo bur-bur hanti.

Degaanada ugu darran ee ay Daadadka iyo fataahada ka dhaceeb waxaa ka mida: Gobollada Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Kulan uu Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda  Federaalka Saalax Axmed Jaamac ugu yeerey Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu uga codsaday inay taageeraan dadka ku waxyeeloobay Daadadka iyo fatahaadda ka taagan dalka.

Ad

Waxay xukuumadda soo bandhigtay xaaladda ay sababeen roobabka, waxaana ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey inay ku dhinteen gobollada dalka dadka gaaraya 25 ruux, ayna saameeyeen ilaa 717, 825 kun oo qof.

Xukuumadda Federaa;lka waxay ka digtay inay xaaladda kasii dari karto, iyadoo ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha cimilada.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fataahadda iyo daadka ay sababeen roobabkii dayrta ee ka da’aya dalka.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON