Thursday, April 24, 2025

Qarmada Midoobay oo Jabhadda Tigray ku eedeysay inay boobtay Shidaalkii Hay’adda WFP

Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay ciidamada Jabhadda Tigreega ee dalka Itoobiya in ay bililiqeysteen Shidaal gaaraya 570,000 oo liitir oo loo adeegsan lahaa gudbinta Gargaarka.

Ciidamada Jabhadda ayaa xoog ku galay xarun ay leedahay ha’adda cuntada ee WFP oo ku taalla magaalada Mekelle, sida uu xaqiijiyay madaxa hay’addaas David Beasley, iyagoo kadib boobay shidaalkii hay’adda u yaallay xaruntaasi.

“Bakhaarka Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Mekelle waxaa xoog ku galay ciidamada Tigreega, kuwaas oo qaatay 12 booyadood oo buuxa oo shidaal ah oo ay saaran yihiin 570,000 litir oo shidaal ah. Kooxdii goobta joogtay kuma guuleysan inay ka hortagaan bililiqadaas” ayuu yiri afhayeen Xoghayaha Guud ee Qaramada Modoobay Stephane Dujarric oo bayaan kasoo saaray dagaalka kasoo cusboonaday Itoobiya.

“Waxaan cambaareyneynaa wax kasta oo bililiqo ah ama lala wareego badeecooyinka bini’aadantinimada ama goobaha bini’aadantinimo, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan waajibaadkooda sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo in ay ixtiraamaan shaqaalaha, dhaqdhaqaaqa, hantida iyo badeecadaha” ayuu sii raaciyay.

Ad

Eedeynta Q/Midoobay ayaa timid iyadoo uu dib u qarxay dagaalka ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Jabhadda Tigray ee waqooyiga dalkaasi, waxaana baaq degdega kasoo saaray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutarres.

“Tani waa ceeb iyo fadeexo. Waxaan dalbanaynaa in shidaalkan hadda la soo celiyo” ayuu yiri David Beasley, madaxa hay’adda WFP.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON