Qarixii labaad oo is-miidaamin ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii Mooto nooca Bajaaj-ka ah ay ku qaraxday Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, Gobolkan Banaadir.
Qaraxan ayaa yimid kadib markii Mootada oo kaliya uu la socday Darawalka oo qura ayaa ciidamada Amniga aty joojiyeen, balse uu joogsan waayey, kadibna ay qaraxday, waxaana gaaray burbur xoog leh oo keenay inuu darawalkii uu jirkiisa go’go’o, sida ay sheegeen Hay’adaha Amniga Soomaaliya waxay mootadu ahayd mid lasoo miidaamiyey oo qarax ka buuxay.
Maamulka Gobolka Banaadir aya ka hadlay qaraxa Mootada oo galabta dhacay, waxaana Guddoomiye kuxigeenka  Amniga iyo Siyaasada uu sheegay in Mootada ay joojiyeen Ciidamada Amniga, laakiin uu diiday Darawalkii, kadibna mootadii ay qaraxday.
Mootada ayuu sheegay in qaraxa kadib aga helay Bac ay ku jireen Dharka tuutaha ciidamada Xoogga Dalka, iyadoo baaritaan lagu sameynayo Taargada Mootada iyo cidda lahayd. Waxaa xusid mudan inaysan weli cidna sheegin qaraxyada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Maanta ayay ahayd markii Qarax is-miidaamin ahaa uu ka dhacay Koontoroolka Ciidamada Dowladda ee Ex-Koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho, halkaasoo laba qof ay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.