Waxaa sii xoogeysanaya dagaalka Warbaahinta ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Alshabaab, kaasoo barbar socda dagaalka tooska ah ee ka socda Gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Dagaalkan ayaa xoogeystay tan iyo intii uu mar kale madaxweynaha Soomaaliya noqday Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka la wareegay 23 May 2022, waxaana uu markaasi ku dhawaaqay inuu dagaal wejiyo badan la gelayo Alshabaab, waxaase kasoo hormaray dagaalka tooska ah oo ciidamada degaanka ee Gobolka Hiiraan ay bilaabeen.
Warbaahinta dowladda ayaa si weyn xoojisay dagaalka warbaahinta ee Alshabaab lagula jiro, waxaana lasoo saaray amarro lagula dagaalamayo warbaahinta Alshabaab iyo baraha bulshada ee ay adeegsadeen, inkastoo weli qaar badan ay shaqeeyaan.
Dagaalka ugu darran ee Warbaahinta wuxuu hadda ka taagan yahay xaqiiqada qasaaraha dagaallada ka socda Gobollada dalka sida Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxayna laba dhinac sheegtaan in dagaal kasta uu dhaliyay qasaare badan oo kan kale la gaarsiiyay.
Dagaalkii ugu danbeeyay ee degaanka Qaayib, Gobolka Galgaduud waxay mar danbe dowladda Federaalka qiratay in lagu dilay 13 ka mida ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka, halka Alshabaab ay sheegatay inay ku dishay in ka badan 40 qof, iyadoo soo bandhigay 5 Gaari, Hub iyo saanad kale oo ay dagaalka ku qabsatay.
Dhinaca kale dagaalkii Ceeldheere (Buraale) oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal, waxayn dowladda Federaalka shaacisay in lagu dilay in ka badna 100 Alshabaab ka mida, waxayna saxafiyiinta dowladda soo bandhigeen tobanaan meydad Alshabaab iyo laba ama saddex gaari, iyo muuqaallo aan caddeyn oo hawadda lagu qaaday oo muujinay tobanaan maleesjiyo ah oo la duqeeyay.
Alshabaab waxay qiratay in weerarka cirka ee degaanka Ceeldheere looga dilay ilaa 10 dagaalame, taasoo muujineysa in labada dhinac ay ku dagaalamayaan si aan loo ogaan qasaarahooda, ayna sheegaan qasaaraha dhinaca kale oo kaliya.
Dadweynaha ayaa inta badan xaqiiqada qasaaraha dagaalka ka qaata Baraha bulshada oo labada dhinac ay ku baahiyaan qasaaraha dhinaca kale iyo ehelka ciidamada dowladda ee soo bandhiga askarta iyo saraakiisha ka dhimata, kadib markii warbaahinta caadiga ah ay ka gaabsatay arrintan ama aysan ku dhiiran karin inay xaqiiqada soo bandhigto.
