Sunday, November 10, 2024

Qareenda u doodaya Weriye Cabdalla Muumin oo dalbaday in Maxkamadda looga yeero Wasiir Al-cadaala

Waxaa maanta markii saddexaad xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir ka socda dhageysiga dacwadda lagu soo oogay xoghayaha ururka saxafiyiinta SJS Cabdalla Muumin Axmed oo loo heysto inuu ka hor yimid amarkii Wasaaradda Warfaafinta.

Maxkamadda ayaa maanta dhageysaneysa difaaca Qareenada u dooddaya weriye Cabdalla Muumin, waxaana Qareen Daahir Carab uu Maxkamadda ka codsaday in loo yeero Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-cadaalla.

Qareen Daahir Maxamed Cali (Carab) ayaa sheegay in Wasaaradda ay soo marisay Xeer ilaaliayah in ururka SJS aanu diiwaan gashaneyn, balse dhinacooda ay keeneen caddeynta diiwaan gelinta iyo lacag ay wasaaradda Warfaafinta ka qaaday ururka SJS, wuxuuna Qareenku Maxkamadda ka dalbaday in Wasiir Al-cadaalla looga yeero Maxkamadda si wax looga weydiiyo arrimaha is burrinaya ee wasaaradda.

Ad

Fadhigii saddexaad ee Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo bandhigay shirkii jaraa’id oo dhammeystiran iyo dooda qareenada oo ku qotontay in si gaara loo beegsanayo xoghayaha SJS Cabdala Muumin Axmed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON