Tuesday, November 5, 2024

Qareen la dhashay Wasiirkii hore ee Dastuurka Somaliya oo lagu dilay dalka Turkiga

Wuxuu u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerar ay koox abaabulan ku qaadeen, magaalada Istanbul

Qareen Soomaali ah oo heysta dhalashada dalka Canada ayaa ugu geeriyooday magaalada magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, dhaawac kasoo gaaray weerar ay koox abaabulan ku qaadeen.

Garyaqaan Baashe Xoosh Jibriil oo 52 sano jir ahaa ayaa geeriyooday maanta, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta dalka Turkiga, iyadoo uu ku jiray isbitaal lagula tacaalayey dhaawacii kasoo gaaray weerar lagu qaaday isagoo ku sugan xaafad ku taalla bartamaha magaalada Istanbul 6-dii bishan December.

Ad

Wuxuu safar ku joogay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, isagoo ku sii jeeday Nairobi. Wuxuuna Baashe la dhashay wasiirkii hore ee Dastuurka Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Koox burcad ah ayaa weerar ku qaaday, waxaana muuqaalka CCTV ee Booliska uu muujiyey qof qoorta jug xoog leh ka gaarsiiyey, taasoo keenay inuu dhulka ku dhaco, kadibna madax ku dhufsado Derbi.

Kooxdii weerartay ayaa la arkay iyadoo baaranaya Baashe Xoosh oo jeebihiisa kala baxaya taleefoonkiisii ​​iyo waxyaabo kale oo qaali ah oo uu haystay.

- Advertisement -

Shaqaalaha gurmadka degdega ah ee Turkiga ayaa goobta soo gaaray, waxaana ay ku sameeyeen Ambalaasta CPR ka hor inta aysan ula cararin isbitaalka. Booliska Istanbul ayaa xiray saddexda eedeysane ee falkan ka danbeeyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON