Friday, March 28, 2025

Qaraxyo Miino oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho & duleedkeeda (Warbixin)

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qarax Gaari iyo mid kale oo miino loo adeegsaday ay ka dhaceen caasimadda iyo duleedkeda.

Qaraxa Miino ayaa ka dhacay Xaafadda Daalo, agagaarka Hotelka Salaama, iyadoo 3 qof ku dhaawacmeen qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyay, waxaana kale oo burbur kasoo gaaray Gaari yaallay goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana dadkii dhaawacmay lagu loo qaaday isbitaallada.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa goobta uu Qaraxu ka dhacay gaaray, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawaca ruuxa waxaana sidoo kale ay sameeyeen howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Ad

Dhinaca kale qarax kale ayaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Siinka Dheere ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo markaas kadib rasaas xoog leh furay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON