Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay laba Qarax ka dhaceen degmada Kaxda ee caasimadda, kuwaasoo dhaliyay qasaare kala duwan.
Qaraxyada oo ahaa kuwa Miinada ee ayaa la dhigay Wadadda dheer Laamiga degmada Kaxda, waxaana lagu beegsaday dhalinyaro sawirro isaga qaada Dalcadda Laamigaas oo ah meel caan ku ah dhalinyaradda Baraha bulshada, siiba barta iktok.
Maamulka degmada Kaxda aya sheegay inay Qaraxyada oo ay ka danbeeyeen Alshabaab ay ku dhinteen 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale.
Qaraxyadan ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay si toos ah loola beegsaday dhalinyarrada Baraha bulshada adeegsata, waxaana lagu eedeeyay Alshabaab inay beegsaneyso dadka shacabka ah.