Qaraxyo dhowr ah ayaa caawa Maqribnimadii kadib laga maqlay caasimadda Mudqdisho, kuwaas oo khalkhal galiyey dadweynaha, iyagoo ka dhacay degmooyin badan.
Qaraxyada oo jugtooda si weyn loo maqlay ayuu taliska Booliska Gobolka Banaadir ku sheegay nay ahaayeen qaraxyo Dheemish ah oo aan wax qasaare ah geysan.
Qoraal kasoo baay Booliska ayaa lagu Wargaliyey Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho inaysan wax Khasaare ah geysan Jugta qaraxyada laga maqlay Magaalada, Kuwaasoo ahaa Qaraxyo dheemish ah oo caddowga isku dayey inuu ku qal-qal galiyo Amaanka Caasimada xiliga afurka.
Dhinaca kale Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay fashiliyeeny oo intaan ka weyneyd qorshaha, isla markaana ay socdaan Baaritaano lagu hayo goobihii la dhigay dheemishyada qarxay.
