Qaraxyo Miino ayaa manta ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka kala dhacay agaagarka xarunta degmada Deyniile iyo meel u dhow xarunta Wasaaradda Gaashaadhigga ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa hore ayaa lala beegsaday xoghayaha degmada Dayniile, waxaana qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira kasoo gaaray dad shacab ah oo goobta qaraxu ka dhacay ka ag dhowaa, iyadoo uu ka badbaaday Xoghayaha Mahad Maxamed Shiraawe oo sidan oo hore hore loogu qarax kale uga badbaaday.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen shan qof oo u badnaa haween, ayna ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale, waxaana goobta gaaray ciidamada amniga.
Qarax kale laga so weriyey inuu ka dhacay agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga. Qaraxan ayaa lala beegsaday Gaari ay la socdeen ciidamada dowladda, lamana sheegin qasaare ka dhashay.
