Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxyo is-miidaamin ah oo maanta lagu qaaday Xerada ciidamada dowladda ee magaalada Beledweyne ee Lama-galaay.
Wararki ugu danbeeyay ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ay ku dhinteen qaraxyada oo loo adeegsaday Baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo is xigay ahaana Qaraxyo waaweyn oo magaalada gilgilay.
Xarunta Lama-galaay ayaa fariisin u ah adaxda maamulka HirShabelle iyo kuwa gobolka Hiiraan.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayey gaysteen qaraxyadan, waxaana sheegatay Al-Shabaab, sida uu shaaciyey afhayeenka maleeshiyada kooxdan Cabdicasiis Abuu Muscab.
Mas’uuliyiinta la xaqiijiyey inay ku dhinteen qaraxyada Beleweyne waxaa ka mida:Wasiirkii Caafimaadka Hirshabeelle Dr. Zakariye Hurre, Gudoomiye ku-xigeenkii Maaliyadda iyo Siyaasadda ee Gobalka Hiiraan Abuukar Maadeey, Xildhibaan Geelle Isaaq oo ka mida Xildhibaannada Hirshabeelle, Aaden Cali oo ka mida saraakiisha Haramacad, askar iyo dad shacab ah.
Tirada dadka ku dhintay qaraxyada ayaa sii kordheysa, iyadoo ay ku jiraan mas’iiliyiin, waxaana ilaa hadda la sheegay inay tirada ku dhowdahay 20, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.
Weerarkan ayaa kusoo aaday saacado kadib markii dowladda sheegtay in duqeyn lagu dilay ninka 3-aad ee ugu awooda badan Shabaab, kaasoo loo yaqaanay Nadiir waxaana lagu dilay weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe.
