Qaraxyo is-miidaamin ah ayaa saaka aroortii ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug.
Qaraxyaan ayaa midkood ka dhacay Jidka aada garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, halka Gaariga labaad uu ka dhacay meel u dhow bar kontorool oo laga ilaaliyo magaalada, una jirta 8 KM, wuxuuna qarxay markii ay ciidamada rasaas ku fureen.
Mas’uuliyiinta magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in la fashiliyey labada Qarax ee Alshabaab doonayeen inay gudaha u geliyaan magaalada Dhuusamaree oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya.
Khasaaraaha Qaraxyada ayaa lagu sheegay kaliya labadii is-miidaamiye ee labada Gaari waday iyo askar dhaawac kasoo gaaray.
Labada qarax ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab oo sidoo sheegatay inay qaraxa ka fulisay madaxtooyada Galmudug.
Magaalada Dhuusamareeb waxaa muddo laba bil ku dhowaad ah ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka wada abaabulka dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug.