Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya inuu qarax weyn ka dhacay gudaha magaalada, kaasoo ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaahaba qarxa.
Qaraxa oo uu fuliyay nin is-miidaamin ahaa ayaa dhacay xaafadda Xaawo Taako, gaar agaan Barta koontorool ee Warshadii Cabitaanka ee Horseed.
Wuxuu qaraxa ka dhacay goob ay dad badan oo shacab ah ku sugnaayeen oo ku taala, isagoo dhaliyay burbur xoog leh iyo qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararkii ugu daneeyay ayaa sheegaya inuu qaraxa geytay waxyeelo xoog leh, iyadoo dhimashada ay gaareyso 20, halka dhawacuna ka badan yahay, waana mid ka mida qaraxyadii ugu qasaaraha badnaa ee Beledweyne ka dhaca.