Qarax loo adeegsadya Gaari laga so buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa saaka lagu weerarray saldhig ciidamada Amniga ku leeyihiin degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa geystay qof kaxeynayay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ciidamada dowladda ay isku dayeen inay joojiyaan, balse saldhiggooda qeyb ka mida baabi’iyay isla markaana burbur weyn u geystay dhul balaaran.
Wararka ayaa sheegaya inay Qaraxa ku dhinteen ilaa 10 Qof oo ay ku jiraan laba askari oo ciidamada saldhigaasi ku sugnaa ka mida, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan, waxaana sheegtay Alsahbaab.
Qoraal Alshabaab soo saartay ayey ku sheegatay in ilaa 40 qof ay ku dhinteen qaraxa oo lagu burburiyay gaadiid iyo xaruntii ciidamda Booliska Milateriga ee halkaasi ku sugnaa, balse ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alsahbaab.
Qaraxan ayaa sidoo kale bur bur xoog leh ugeystay dhismooyin ku dhaw goobta qaraxa uu ka dhacay oo ay daganaayen Dad Shacab ah.