Qarax miino ayaa lala beegsaday Gaari ay leedahay shirkadda Turkiga ee dhiseysa Jidka Muqdisho iyo Afgooye.
Qaraxa ayaa ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye, agagaarka Jaamacadda Umaadda; waxaana qasaare kasoo gaaray Gaariga, iyadoo uu ku dhintay qof, halka qof kale uu ku dhaawacmay, sida ay sheegeen goobjoogayaal ahaa.
Gaariga ayaa la sheegay inay la socdeen shaqaalaha Soomaalida ee la shaqeeya Shirkadda Turkiga ee dhismaha ka wada Jidka Afgooye iyo Muqdisho oo hore qaraxyo badan loola beegsaday.
Qaraxa ayaa ka mid ahaa qaraxyo is daba joog ah oo lala beegsado mas’uulyiinta dowladda iyo dad kala duwan, waxaana inta badan sheegtay Alshabaab.
