Wararka laga helayo duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday Gaari ay wateen cidiamada ilaalada shaqaalaha shirkadda dhiseysa jidka Muqdisho iyo Afgooye.
Qaraxa oo ahaa Miino la dhigay wadadda dhinaceeda ayaa ka dhacay degaanka Carbiska ee dedmada Afgooye, waxayna waxyeello kasoo garay ciidamada gaakrka ah ee Booliska Haramcad ee gaariga la socday.
5 askari ayaa la sheegay inay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxa, sida ay sheegeen dadka degaanka, iyadoo Gaariga qaraxa qabsaday uu burbur soo gaaray, waxaana ciidamadaasi ay ahaayene kuwa qaabilsan amniga shaqaalaha Turkiga ee dhisaya Jidka Afgooye.
Qaraxyada lala beegsado shaqaalaha dhisaya Jidka Muqdisho iyo Afgooye ayaa inta badan waxaa sheegta Alshabaab oo fulisay qaraxyada lagu qaadayo dhismaha wadaddaasi.