Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax ka dhacay xerada ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Qarax Gaari ayaa la sheegay in lagu weeraray Xerada Ciidamada Itoobiya ee loo yaqaan Kabaaso ee degmada Doolow, kaasoo lagu dhuftay iridka saldhigga, waxayna wararkii ugu horeeyay sheegayaan inuu qarax labaad ka dhacay Doolow, isla markaana uu jiro qasaare ay geysteen.
Qaraxa ka dib ayaa la sheegay in rasaas xoog leh ay rideen ciidamada Itoobiya, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen in xaalad kacsan ay ka jirto magaalada.
Maamulka degmada ayaa laga soo xigtay inay ka hortageen qaraxa oo lagu fashilyey meel u dhow Xerada ciidamada Itoobiya, markii ciidamada ay toogteen Gaariga is-miidaaminta ahaa.