Sunday, March 23, 2025

Qarax lagu dilay Askar ka mida ciidamada dowladda oo ka dhacay Gobolka Sh/Dhexe

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax qasaare kasoo gaartay ciidamada dowladda oo ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa qabsaday Gaaari ay wateen ciidamada dowladda, waxaana la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 5 Askar, halka ay ku dhaawacmeen 3 kalena, markii Gaarigii ay wateen ay miino kula qaraxday duleedka degmada Mahadday ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Cilmi Raage oo qaraxa iyo qasaaraha uu dhaliyay xaqiijiyey ayaa sheegay in Gaariga miinadu la qaraxday uu ka mid ahaa kolonyo gaadiid ah oo gelbineysay raashin ay hay’adda Maareynta Masiibooyinka ugu qoondeysay degmada Mahaday ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Ad

Ciidamada dowlada ayaa baaritaan ka sameeyay deegaanka uu qaraxu ka dhacay, waxaana sheegtay Alshabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda, iyadoo qaraxa kusoo beegamay xilli inta badan Gobolka Sh/Dhexe laga saaray maleeshiyada Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON