Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax miino ka dhacay xaafadda Fagax ee degmada Kaaraan, magaalada Muqdisho.
Faahfaahinta laga helayo qaraxa ayaa sheegaya inuu ahaa miinada dhulka la geliyo oo ka dhacay wadadda ka baxda Fagax ee Jamhuuriya, iyadoo lala beegsaday Gaari ay ciidamada dowladda la socdeen, balse uu ka baxsaday isagoo haleelay Mooto Bajaaj, waxaana burbur kasoo gaaray dhismooyinkii halkaasi ka dhowaa.
Laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay Qaraxa, waxaana ku dhaawacmay 5 kale, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid xoog leh oo dad badan halis geliyey; balse ay ka badbaadeen ciidamadii loogu talogalay.
Ciidamada Amniga ayaa xiray goobta qaraxa ka dhacay muddo kooban iyadoo xaaladda ay caadi ku soo laabatay.