Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay gudaha magaalada.
Qaraxa ayaa lala beegsaday Gaari ay la socdeen ciidamada Booliska ee magaalada Baladweyne, wuxuuna ahaa miino la geliyey waaxda xaawo ee xaafadda Xaawo-Taako, waxaa ka dhashay qasaare kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in askarta Qaraxa lagu beegsaday ay ahaayeen ciidamada Miino baarista ee ka howl gala Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne.
Qaraxa waxaa ku dhaawacmay 3 askari, waxaana goobta gaaray ciidamada Amniga, iyadoo dhaawaca loo qaaday Isbitaalka Ciidamada AMISOM ee degaanka Ceeljaalle ee duleedka Magaalada Baladweyne.
Lama oga in qaraxa lagu xiray Gaariga iyo in Wadadda loo geliyay, waxayna dad goobjoogayaal ah sheegeen in gaara loo beegsaday gaariga ay la socdeen ciidamada Miino Baarista.

Warar Xul ah