Qaraxyo iyo Rasaas ayaa Maqribtii caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho, iyadoo Xubno ka tirsan Alshabaab iyo ciidamada Amniga oo ku daba jiray uu dagaal ku dhex maray xaafad ka tirsan caasimadda.
Wararka ayaa sheegaya in Qarax xoogan iyo is-rasaaseyn ay ka dhacday xaafadda Al-Baraka ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho, kadib markii kooxda Alshabaab oo Mooto Bajaaj ku socday ay is qarxiyeen, kadib markii ay Bambooyin dhigeen kuna qarxiyeen Goobo ganacsi oo lagu xiray Kaamerada CCTV.
Ciidamada Amniga oo ka dhowaa goobta ayaa ka dagaal la galay kooxdan oo dooneysay inay ku baxsato Mooto Bajaajtii ay la socdeen, balse waxayna ku fashilmeen inay iska caabiyaan ciidamada dowladda.
Ciidamada ayaa dilay Mid ka mida dableydii Mootada la socotay, iyagoo dhawac ku qabtay Dabley labaad, waxaana halkaasi ku geeriyooday Darawalkii Mooto Bajaajta oo ay saarnaayeen waxyaabo qarxa, markii Mootadii qaraxday oo ay gubatay.
Sido kale Goobtii Ganacsi ee ay qarxiyeen dableyda Alshabaab oo ahaa Goob lagu iibiyo Qalabka dayactirka baabuurta isna ku bas beelay qaraxa oo Dab ka dhaliyay iyo goob kale.