Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu weerar ku bilowday Qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay degaan ay ku sugnaayeen ciidamo iyo madax uu ka mid yahay madaxweynaha Galmudug.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa aya saaka aroornimadii lagu weerarray Tuulada Laas-gacameey ee ka tirsan degaanka Wisil, una dhow Bacaadweyn, halkaas oo ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo mas’uuliyiin kale.
Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay Qaraxa, waxayna wararkii ugu horeeyay ee soo baxa ay sheegayaan inuu bed qabo madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena aysan wax qasaare ah kasoo gaarin madaxweynaha Galmudug, xildhiban Cabdi Qaybdiid, xildhiban Dhabancad iyo mas’uuliyiintii ku sugnayd deegaanka Laas Gacamay.
Dhinaca kale dhaawac fudud ayaa la sheegay inuu soo gaaray senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), kadib markii uu kusoo dhacay dhagax ka yimid Guri uu ku jiray oo kusoo dumay.
Ciidamada ayaa ka hor tegay Gaariga Qaraxa ee is-miidaminta ahaa, waxaana uu ku qarxay meel ka fog Guriga ay deganaayeen mas’uuliyiinta Galmudug iyo xildhibaanno ka tirsan laba aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Qaraxa ayaa geystay burburka guryo, iyadoo uu soo dumay Guri ay ku jireen madaxda ku sugan aaggaasi oo hadda la gaarsiiyay Degaanka Wisil.
Laba ka mid ah askarta Dowladda ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen ka hortaga Gaariga Qarxa siday, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..